Tuesday, December 18, 2007

Sunday, December 16, 2007

Wareysigii Gaashaanle Nuur Cadde

ADIS ABABA (WIC, Dec10, 2007). Maqal Wareysigii RW Nuur Cadde.

Source: Walta Information Center©, Addis Ababa, Ethiopia.

Samatar: Qorshaha Dibuxoreynta Soomaaliya



Abdirizaaq: Badbaadinta Soomaaliya


Friday, December 14, 2007

Geesiyada Soomaaliyeed ee Reer London


Daawo Gadoodkii Soomaalida reer London ay kala hortageen daaweynta Ina Yuusuf Yey

Friday, December 07, 2007

Friday, September 28, 2007

Xididka Ereyga "Daalalley"?

Sabsanaanta Ereyga "Dalaaley".



Wednesday, September 26, 2007

Barnaamijka Suuganta ee Tixmaal

Fogeegiyeha Jabuuti ayaa waraysi la yeeshay abwaanka Yuusuf Cismaan Cabdulle (Shaacir)

Qeybta I



Qeybta II



Qeybta III



Qeybta IV



Qeybta V



Qeybta VI



Qeybta VII



Qeybta VIII



Qeybta IX



Qeybta X



Qeybta XI



Qeybta XII



Qeybta XIII



Qeybta XIV



Qeybta XV


Friday, September 21, 2007

Yahaaburradii Luuqda Soomaalida

Cali Xaaji Aadan ayaa yidhi markii uu Suudi, walaalkii, dhintay:

"Walaalo is jecel wed kala qaad
Is waaye' anba waaxyahaygii."

Tixadaan baroodiiqda ah waxa aan ka bartay, Marwada Soomaaliyeed ee caanka ah, Faaduma Cabdullaahi ( Maandeeq ). Bal adigu na, haddee, bal daawo: sida codka, buruudka, haybadda, golejoogsiga, jilitaanka, iyo gudbinta hoobalku ay murugooyin kale ugu sii taarayaan isla maanso, horeyba, tiiranyo culus u soo xambaarsanaan jirtay. Billaa aad adna maanta ooydaa. Isha sacabka mari! Halkaan ka eeg Maandeeq oo tixdii ku laaqinayso.




Tuesday, July 31, 2007

Saturday, July 28, 2007

Tuesday, July 17, 2007

Raaxeeye: Burcaawi!


Maandeeq, Faaduma Cabdullaahi

Sida Heesta ba, codkii hoobaladdu weli waa isla curdinkiisii hore. Weligay u ma haysan, Eegiye (Video) kan oo kale ah in aan heli lahaa ba! Ciddii duubtay, iyo ciddii inoo soo bandhigtay ba, naallo aan gaboobi doonin ayay ina wada dhaxalsiiyeen. Mahad badan iga wada guddoomeen.


Friday, May 04, 2007

TAARIIKHDII HADRAAWI

TAARIIKHDII MAXAMED IBRAAHIN WARSAME

Hadrwaawi

Galabnimo, Talaado, May 01, 2007, abwaan Hadraawi ayaa ka qeybqaatay xaflad lagaga hadlayey dhibaatooyinka haysta dadka la haybsooco, taas oo lagu qabtay Hoteel Maansoor, Hargeysa. Hadraawi ayaa soo bandhigay gabaygan la yiraahdo "Dhulgariir".

 

I.

 

Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) wuxu ku dhashay miyiga magaalada Burco ee gobolka Togdheer ee waqooyiga Somaliya, ee hadda loo yaqaan Somaliland, taariikhdu markay ahayd 1943. Halkaas oo uu ababay sanadihii hore ee caruurnimadiisii, isla sanadahaas oo ay xijaabtey hooyadiis Kaaha Jaamac dhuux, ka dibna adeerkii Axmed Warsame Siciid(Niibsan) oo degenaa magaalada Cadan ee dalka Yemen ayaa loo geeyey isagoo mudadaasi 9 jir ahaa, halkaas ayaa aayooyinkiis Caasha Maxamed Xasan iyo Shamis Xasan Nuur Qaaje ay ku gacan qabteen oo ku hanteen una galeen halkii hooyadiis.

Hadraawi waxbarashadiisi aasaasiga ahayd illaa dugsiga sare wuxuu ku qaatay Dugsigii Cadmeed ee wakhtigaa la odhan jirey (St. Anthony's High School.) mudadii u dhexaysey1956-1964.

Markii uu dhameeyey dugsigaa ayuu Cadan kaga shaqeeyey macallinimo, mudo laba sanadood an. 1967 ayuu Cadan ka soo guurey una soo kicitimey xagga Somalia. Waxa uu cagaha soo dhigay magaalada Muqdisho, halkaas ayuu ka billaabey shaqadii ugu horeysey, wuxuuna boos ka qabtey Wasaarada Warfaafinta sanadku markuu ahaa 1969kii, kumase raagin. 1971-kii ayuu shaqadiisi ugu horeysay ee rasmiga ahayd ka billaabay Wasaarada Waxbarashada, isagoo macallin ka noqday Dugsiga Hoose/Dhexe/Sare oo ku dhex yaaley Dugsiga Hoyga Nolosha ee Lafoole(Afgooye), isla wakhtigaas oo uu ku qaadanayey daraasada tababarka macallinimada machadkakii Macallinimada ee Lafoole(N.T.E.C).

Kartidiisa Hal-abuurnimo markii ugu horeysey ee uu soo shaac baxo, waxay ahayd intii aanu Cadan ka soo tegin. 1966-kii ayuu curiyey soona ban-dhigay Riwaayadii la magac baxday "Hadimo" hase yeeshee wuxuu si fiican ugu doob dillaacsaday, maansadiisuna caan baxday intii uu u soo wareegey Soomaaliya. Gaar ahaana intii ku sinayd 1970-nadii. Wakhtigaas oo ay soo shaac baxeen heesaha tirada badan ee aadna looga helay soona jiitey dhegaha dadka Somaliyeed, kiciyeyna dareenka dadka. Wuxu noqday nin suugaantiisu si gaar ah u taabato dadka dhegahooda, muranna ka dhex dhalisa dadka dhexdooda si gooniyana oo dhadhansado, had iyo jeerna laga soo daayo Idaacadaha heesihiisa iyo maansooyinkiisa ayna ka heleen bahda warfaafintu.

Waxa la soo qaadan karaa Riwaayadii "Aqoon iyo Afgarad" oo ay u jireen saaxiibadiis Maxamed Xaashi Dhamac(Gaariye), Siciid Saalax Axmed, Muuse Cabdi Cilmi iyo Silsiladii maansadii "Siinley" iyo Riwaayadii "Tawaawac" ee ay ku jireen heesaha ay ka midka ahaayeen "Hal La Qalay iyo Ceel Walwaaleed".

Suugaantiisa waxay noqotay tu si gaar ahaaneed ugu nixisa oo ku abuurta werwer xukunkii kaligii taliyaha ahaa ee Siyaad Barre, sidaas darteed ayaa ha'adaha cadaadiska iyo cabbudhinta uu u daba dhigay oo ay had iyo jeer daba taagnaayeen, Ka dib maansadii "Siinley" iyo Riwaayadii "Tawaawac" iyo sababa kale oo maansooyinkiisa la xidhiidha ayaa 11.Novenber.1973-gii loo taxaabay xabsiga, waxaa la geeyey Qansax Dheere (Gobolka Bay) halkaas oo ku xidhnaa illaa iyo 09.April.1978-kii.

Wakhtigaas ka dib, illaa bilowgii 1982-kii, wuxu Akadamiyada Cilmiga Fanka iyio Suugaanta ka ahaa Agaasimaha Waaxda Fanka; isla markaana wuxuu madaxa hore kaga jirey raggii mayalka u qabtay ee hoggaaminayey Silsiladii maansadii caan baxday e "Deelley" kana qaraxday dalka horraantii sanadkii 1980.

1dii May 1982-kii ayuu tegey goobaha uu ka socdey halganka Mucaaradka Soomaliyeed ee ururkii Dhaqdhaqaaqa Waddaniga Soomaaliyeed ee la odhan jirey S.N.M oo loo soo gaabiyey (Somali National Movement). Wuxu halkaas ka galay halgan siyaasadeed, suugaaneed, wadaniyeed iyo mid xoriyadeedba. Allena wuu ku guuleeyey kaas, haddana wuxu ku jiraa halgan kale oo nabad, caddaalad iyo midnimo doon ah.

 

II.

 

Maxamed Ibraahim Warsame(Hadraawi) waa hal-abuur maanseed, oo dabuuubta maansadiisa kala soo dhex baxay dhudhubo shareeran iyo dhadhaaabo shuban dhexdood. Maansadiisu waa dawan, baaq, hodan, xigmad, murti iyo qaylo dhaan xilliga argagixiso jirto. Hadraawi wuxuu maansada ku kala furaa aqoontiisa cilmiyeed iyo kartidiisa hal abuurnimo. Wuxuu ugu hiiliyaa ninka laga gar daran yahay iyo ninka la dulmiyayo.

Wuxuu Hadraawi la jaal yahay dadka maxaysatada ah iyo kuwa aan marnaba ka tegen hidahooda iyo dhaqankooda, wuxuu kaloo la jaal yahay dadka diinta u dooda iyo cilmiga wax barashada.Hadraawi wuxuu ku lid yahay oo ka soo horjeedaa dadka-dadka dulmiya, booba, dhaca, yasa, xaqira, dadka is waaweyneeya, dhaqankooda tuura, muslimnimadooda ka taga.

Hadraawi hal-abuurnimadiisu waa iftiinka xilliga mugdigu saameeyo umadda, waa ileyska lagu hirto marka dulmigu uu xaqa hadheeyo, waa mid ka talisa aayaha ummada Somaliyeed, waa kala hagga ummada Somaliyeed, xagkasta oo la eego, hadday tahay laba jacayl lagu kala furdaaminayo iyo laba dagaal lagu kala dhaqaajinayo, laba gar loogu naqayo, laba wax qaybsanaysa oo loogu kala saami tuurayo, qof wax dulmiyaya oo loo sheegayo waxa uu qaldaayo, dhinnac kasta oo ummadu ka jilic san tahay hal-abuurnimadiisu way ka soo gashay. Waxa Hadraawi yahay qarnigan aynu joogno ninka keliya ee Somali u siman aan marnaba ka talin in uu hal abuurnimadiisa ku caayo reer, kun dulmiyo dad, ku yaso ama xaqiro qof ama dad.

.

.
.
.

Source: Kal-Karaan, (by Suldaan).