Sunday, June 12, 2011

Xuska Maxamed Mooge 2011: Halkay Caawa Joogtaa? | Wq Maxamed Mooge Liibaan

    Sanadkii 1968kii, markii aan maqlay codkii ina Mooge, dhegaha ayaan ka fureystay codadka hooballadii kale. Ma og tahay? Gocosho awgeed, ayay haddeer ilmadu dhaayahayga ugu soo dul joogsan. Ilaayo maanta la joogo, waa dhif iyo naadir, maalin aanan dhegeysan heesaha MML. Hal wax oo aanan kuu sheegi karin, ayaa jiro se. Daraadda aan uga xiise go'i waayo jeclaanta heesahiisa? Hayeeshee, mararka qaarkood waxa aan kala garan ba waayaa in cufisjiidadka sidaas iigu jiidanaya xaggaas iyo geyiga heesihiisa; ma waxa iigu wacan: ereyada maansada (miraha heesta), mise qaraaxeynta hoobalka, mise tininigta kabanka Xudaydi?

    Hohey! nolosha hal murugo ayay ii leedahay; waa beryihii tegay oo aan dib u soo laabaneyn. Maankayga waxa ku dhex reeban, muuqaallo dheegag ah (koobbiyaal ah); ma ahan se hummaago dhab ah (qofaf noolnool): waxa aan intaa hiyigayga soo booqan dad aan ka wada sheekeysaneyno ammuuro jiri jiray tagtooyin hore—walow ay i tebsiinayaan facaygii jiitay waa' fog kahorow. Murugo weynaa!


MML (1945—1984)

Xuska Maxamed Mooge 2011: Halkay Caawa Joogtaa?
Wq Maxamed Mooge LiibaanDhambaal u dir qoraagan? Tuuji magaciisa!

Sunday, March 27, 2011

Farriin Dumar Soomaaliyeed

Thursday, March 17, 2011

Qadiijo Maxamuud ( Qalanjo) — Heesta: Haba ii Garaabin e

    Hees aad u macaan oo ay qaadeyso inan Soomaaliyeed ee qurux badan.

DAADDAH

Hees: "Qadiijo Maxamuud ( Qalanjo) — Heesta: Haba ii Garaabin e"
Wq Qadiijo Maxamuud ( Qalanjo)Dhambaal u dir qoraagan? Tuuji magaciisa!

Wednesday, March 16, 2011

Albumka Daaddah: Heesta Daaddah

    Saida Sheikh Ahmed ( VIP ), iyada inoo sifeyn lahayd, heesteeda la yidhaahdo Daaddah," ayaa tiri, "Daaddah waxay kulansatay intaanoo wada macaan: Diric, Gob, Dhalad, Darajo, Garasho, Dulqaad, Dadnimo, Qurux, Dahab, Nuur, Dareen kiciya, Durriyada, Xalaal, Dabci, Naxariis, Damiir nooleeya. Af Soomaaliga erayo mac macaan ma leh ha iga harto".

DAADDAH

Hees: "Albumka Daaddah: Heesta Daaddah" | Til. Tr. GXAFD/xi/02/2kx11
Wq Hussein Arab!Dhambaal u dir qoraagan? Tuuji magaciisa!

Sunday, January 09, 2011

RAAXEEYE

    USTAAD MAXAMED AXMED ( KULUC ), oo qaada haya (Raaxeeye)—" hees qaraami ah. Hees horey loogu soo sixri, Soomaalida qaraamiga jecelayd.

    « Ha baqan anna ii bishaaree! »

DHAMMAAD

Qaraami: "Raaxeeye"
Wq Ustaad Maxamed Axmed Kuluc iqk.Dhambaal u dir qoraagan? Tuuji magaciisa!