Sunday, June 12, 2011

Xuska Maxamed Mooge 2011: Halkay Caawa Joogtaa? | Wq Maxamed Mooge Liibaan

    Sanadkii 1968kii, markii aan maqlay codkii ina Mooge, dhegaha ayaan ka fureystay codadka hooballadii kale. Ma og tahay? Gocosho awgeed, ayay haddeer ilmadu dhaayahayga ugu soo dul joogsan. Ilaayo maanta la joogo, waa dhif iyo naadir, maalin aanan dhegeysan heesaha MML. Hal wax oo aanan kuu sheegi karin, ayaa jiro se. Daraadda aan uga xiise go'i waayo jeclaanta heesahiisa? Hayeeshee, mararka qaarkood waxa aan kala garan ba waayaa in cufisjiidadka sidaas iigu jiidanaya xaggaas iyo geyiga heesihiisa; ma waxa iigu wacan: ereyada maansada (miraha heesta), mise qaraaxeynta hoobalka, mise tininigta kabanka Xudaydi?

    Hohey! nolosha hal murugo ayay ii leedahay; waa beryihii tegay oo aan dib u soo laabaneyn. Maankayga waxa ku dhex reeban, muuqaallo dheegag ah (koobbiyaal ah); ma ahan se hummaago dhab ah (qofaf noolnool): waxa aan intaa hiyigayga soo booqan dad aan ka wada sheekeysaneyno ammuuro jiri jiray tagtooyin hore—walow ay i tebsiinayaan facaygii jiitay waa' fog kahorow. Murugo weynaa!


MML (1945—1984)

Xuska Maxamed Mooge 2011: Halkay Caawa Joogtaa?
Wq Maxamed Mooge LiibaanDhambaal u dir qoraagan? Tuuji magaciisa!